801 Views

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo gargaar gaarsiisay dadka abaaruhu saameeyeen

Hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo gargaar gaarsiisay dadka abaaruhu saameeyeen
____________________________________________________________________________

Axadi: October 24, 2021

Ayada oo degaanada jublanad ay ku dhufteen Abaaro Sameeyey Dadka iyo duunyada isla markaana wayadii u danbeeye mamulka jubaland uu dirayay Qayli dhaan Laxiriirta sidii wax looga qaban lahaa abaarahaasi ayaa wax baaqa Dowlada Kajawaabay Hey’ada Hormuud Salaam Foundation, iyadoona ay u sameyse Gurmad Biyo dhaamin ah.

deeganada biyo dhaaminta la gaarsiiyey waxaa ka mid ah Fuuma, Kooyama, Dalsan, Qarsa, Suubaan Salaan, Abdi biroole Iyo deegaano ka tirsan Gobalka Jubbada Hoose.

Gargaarka Biyo dhaamin ah waxaa ka qeyb galay  Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland,  Wasiirka Cadaalada iyo Arimaha Diinta, Wasiir ku xigeeno, Xildhibaano katirsan  Baarlamaanka Jubaland, Maamulka Degmada Kismaayo iyo Madaxda shirkada Hormuud Telecom oo iyadu mashruucan fulineeysa islamarkaana maal-galisay.

ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Madaxa Xiriirka Arimaha Bulshada ee Hormuud, Axmed Maxamed xaashi, waxaa u sheekay in ay ka jawaabayaan qeyla dhaan uga timid dadka abaaruhu saameeyeen.

Maamulaha Shirkadda Hormuud ee xarunta Kismaayo Xuseen Xasan Qorane ayaa ka warbixyey mashruuca gurmadka biyo dhaaminta, isagoo sheegay in ay  mar walba diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan culeys yada yimaada, ayna sii wedi doonaan gargaarka biyo dhaaminta ay ka wadaan goboolada Jubbooyinka, Gedo & Galgaduud.

Ugu dambeyntii waxaa mashruuca gurmadka biyo dhaaminta daah furay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubaland Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo u mahad celiyey Hormuud Salaam Foundation oo ka soo jawaabtay Baaqyadii & qeyla dhaantii ka soo yeertay Maamulka Jubaland, wax garadka deegaanka & Dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Qaar ka mid ah dadka la soo gaarsiyey gurmadka biyo dhaaminta oo iyagu ay baaraha saameyeen, ayaa Qaar ka mid ah dadk ay abaartu saameysay ee la gaarsiiyey gurmadka biyo dhaaminta ayaa uga mahad celiyey shirka Hormuud Telecom & hey’adda Hormuud Salaam Foundation.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post