3603 Views

Madaxweyne Geelle oo markii afaraad ku guuleystay Doorashada Jabuuti

Madaxweyne Geelle oo markii afaraad ku guuleystay Doorashada Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho, April 9, 2016: Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii afaraad ku guuleystay doorashada madaxtinimada ee dalkaas, kadib markii dadka reer Jabuuti ay shalay u dareereen cod bixinta doorashada.

Natiijadan oo xalay saqdii dhexe soo baxday ayaa waxaa ku dhawaaqday Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jabuuti oo war saxaafadeed ay soo saartay ku sheegtay in Madaxweyne Geelle uu helay 86.68% cododka dadka ay dhiibteen wareega koowaad ee doorashada.

Musharaxa ku soo xigay Cumar Cilmi Kheyre oo ka tirsanaa dallada isbaheysiga Mucaaradka ee USN ayaa isna helay 7.32%.

Sidoo kale Musharaxiinta kale ee ayaa waxay iyana cododka u kala heleen sidan Maxamed Dauud Shixin 2.28% Maxamed Muuse Cali 1.53%, Xasan Idiris Axmed 1.39%, Jamac C.raxman Jamac 0.79%.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti Xasan Cumar Maxamed oo wareysi siiyay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in doorashada ay u dhacday si wanaagsan oo aan rabshad laheyn, isagoo xusay in taariikhda aanay Jabuuti ka dhicin in lix musharax ay mar qudha tartamaan.

Waxaa uu sheegay in 129,507 ay codeysay, iyadoo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle uu helay 112,258 cod, waxaana taas ay ka dhigan tahay inuu helay 86,68%

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa xilka hayay 17-sano, waxaa uu xilka la wareegay 1999, waana Madaxweynaha labaad ee uu dalka Jabuuti, tan iyo markii ay xorriyada ka qaateen Faransiiska sanadkii 1977.

Mucaaradka ayaa ku eedeeyay in uusan waxba ka qaban xaalada dalka, gaar ahaan shaqo la’aanta jirta Jabuuti, iyadoo warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka uu ku sheegay in 20% dadka Jabuuto ay ku nool yihiin heer saboolnimo ka hooseysa.

Dhinaca kale Axsaabta Mucaaradka ayaa sheegay inay maanta shir jaraa’id qaban doonaan, kaasoo ay kaga hadlayaan natiijada doorashada, iyadoo markii hore cabashooyin la xiriira habka ay u socoto doorashada oo ay tirsanayeen cadaalad darro.

Dad badan ayaa saadaalinayay in Madaxweyne Geelle uu ku guuleysanayo doorashada, waxaa laga war sugayaa in koox caalami ah oo kormeerayay doorashada inay war ka soo saaraan qaabka ay u dhacday doorashada madaxtinimada Jabuuti.

——————————

Qaranimo Online | Muqdisho

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment