264 Views

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya magaalada Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ka furmaya magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Isni$in: DECEMBER 26, 2022

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Madaxda dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa maanta oo isniin ah la filayaa inuu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirkan uu gudoomin doono Madaxweynaha Jamhurriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh waxaa inta badan diiradda lagu saari doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga ee dalka.

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran si gaar ah shirkooda uga hadli doona howlgalladii ugu dambeeyay ee Al-shabaab looga qabsaday deegaanno dhowr ah.

Shirkan ayaa soo aadaya, iyadoo xiisad siyaasadeed ka taagan maamulka Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta muddo kordhinta hal sano ah ee madaxweyne Laftagareen oo diidan yihiin siyaasiyiinta mucaaradka Koonfur Galbeed.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post