834 Views

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Cabdi Xaashi oo ka wada hadlay Doorashada

Madaxweynaha Hirshabeelle iyo Cabdi Xaashi oo ka wada hadlay Doorashada
____________________________________________________________________________


Sabti: January 15, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Cali Cabdullaahi Xasan Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya la qaatay kulan gaar ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Laba mas’uul ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka iyo shirkii Golaha Wadashiga Qaran ee dhowaan lagu soo gaba gabeeyay magaalada Muqdisho.

Cabdi Xaashi ayaa Madaxweynaha Hirshabeelle kula dardaarmay in uu ka qeyb qaato sidii loo dadajin lahaa Doorashada dalka oo gaabis ku socota, isla maamulkiisa qabtaan Doorasho xor ah.

Guudlaawe ayaa u ballan qaaday Cabdi Xaashi in uu ka shaqeyn doono Doorasho lagu wada qanacsan yahay maadaama xubin ka yahay Golaha Wadashiga Qaran.

Kulankaan ayaana ku soo aadaya xilli uu weli magaalda Muqdisho ku sugan yahay Madaxweynaha Hirshabeelle, isaga oo ka wada kulamo siyaasadeed oo uu la yeelanayo qeybnaha kala duwan ee siyaasiyiinta iyo Bulshada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post