1191 Views

Ciidamada Milatariga iyo kuwa Galmudug oo goor dhawayd la wareegay degaanka Camaara

Ciidamada Milatariga  iyo kuwa Galmudug oo goor dhawayd  la wareegay degaanka Camaara
____________________________________________________________________________

Axad: july 18, 2021

Ciidamada Milatariga dowladda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya Daraawiishta Galmudug, ayaa maanta si buuxda ula wareegay degaanka Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, ayaa weerar xooggan ku qaaday degaanka, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka Al-shabaab.

Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkaas, inkastoo aan weli si rasmiya loo xaqiijin khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray dhinacyada dagaallamay.

Dagaallamayaasha Al-shabaab oo laga qabsaday degaanka , ayaa u jihaystay dhinaca degmada Xarardheere oo ku taalla koonfurta Gobolka Mudug, islamarkaana saaran xeebta badweynya Hindiya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post