906 Views

Wafdi ku wajahan Gaalkacyo & diyaar garoow ka jira

Wafdi ku wajahan Gaalkacyo & diyaar garoow ka jira
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | August-10-2020Magaalada Gaalkcyo Ee Xarunta Gobolka Mudug waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay tagaan Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowlad goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal.

Wafdiga oo safar dhinaca dhulka ah uga ambabaxay ayaa hataan ku sugan degaanka Gawan ee Bariga Gobolka Mudug,waxaana qaban qaabada soo dhaweynta wafdiga ay ka socotaa Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xildhibaano iyo Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku sugan Magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo qeyb wyen ka noqon doona soo dhaweynta wafdiga Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Maamulka Magaalada Gaalkacyo ee Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaay wafdiga kulamo kala duwan la qaadan doonaan,waxaana Maanta aad loo adkeeyay Amniga Magaalada Gaalkacyo.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  _______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post