759 Views

Jarmalka oo 10 sanno xariga ah ku xukumay nin reer Ciraaq ah oo lagu soo eedeyay inuu yahay tababare sare oo ka tirsan Daacish

Jarmalka oo  10 sanno xariga ah ku  xukumay nin reer Ciraaq ah oo lagu soo eedeyay inuu yahay tababare sare oo ka tirsan Daacish
____________________________________________________________________________

February 25, /2/ 2021

Dalka Jarmalka waxaa 10 sanno iyo badh oo xariga ah lagu xukumay nin reer Ciraaq ah oo lagu soo eedeyay inuu yahay tababare sare oo ka tirsan ururka isku magacaabay dowladda Islaamiga ah.

Maxkamadeynta oo socotay muddo 3 sannadood ah ayaa ugu dambeyn Ahmad Abdulaziz Abdullah oo 37 jir ah lagu helay dambiga ah inuu taageerayay kana mid ahaa ururka Daacish.

Waxaa la sheegay in Magiciisa afgarashada ee ururka uu ahaa Abu Walaa waxa uuna imaam ka ahaa misaajid ku yaalla Hildesheim kaasi oo ilaa muddadaasi xiran.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in isaga iyo 3 kale ay tabarbar u fidinayeen dhalinyarada dooneysa iney ku biiraan ururka Daacish si ay uga soo dagaallamaan Suuriya iyo Ciraaq.

Ahmad Abdulaziz ayaa isagoo magangalya doona ah yimid dalka Jarmalka sannadkii 2001-dii.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post