996 Views

Taliban oo shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad sida dolarka.

Taliban oo  shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad sida dolarka.
____________________________________________________________________________

Arbaco: November 3, 2021

Taliban ayaa shaacisay in dalka Afghanistan ay ka mamnuucday isticmaalka dhammaan lacagaha qalaad.

Ururka ayaa ku amray shacabka Afghanistan inay isticmaalaan oo keliya lacagta dalka ee Afghani loo yaqaan. Waxa uu sheegay in ciddii jebiso amarka la marsiin doono sharciga.

Taliban ayaa go’aankeeda ku tilmaantay mid dan u ah dalka, isla markaana ay lacagaha qalaad dhibaato ku yihiin dhaqaalaha Afghanistan.

Lacagaha qalaad ayaa si weyn looga isticmaalaa guud ahaa Afghanistan. Dollar-ka ayaa ah lacagta ugu badan eel aga isticmaalo suuqyada dalka, halka magaalooyinka xuduudda ahna ay isticmaalaan lacagaha dalalka deriska la ah.

Dhaqaalaha Afghanistan ayaa wiiqmay tan iyo markii uu xukunka la wareegay ururka Taliban, maadaama ay meesha ka baxday taageerada caalamiga ah oo ahayd malaayiin dollar, isla markaana ay joogsatay lacagtii amaah ahaanta loo siin jiray dalkaas.

Khubarada dhaqaalaha ayaa ku tilmaamay tallaabada Taliban mid uga sii dari doonta xaaladda dhaqaale ee Afghanistan.

Xukuumadda Taliban ayaa doonaysa in loo sii daayo balaayiin dollar oo keyd ahaan Afghanistan u taalla bangiyada dibedda, lacagtaas oo la xannibay markii ay meesha ka baxday xukuumaddii Ashraf Ghani.

Wasaaradda maaliyadda ee Afghanistan ayaa sheegtay in maalintiiba canshuur ahaan dalkaas ay ka soo xarooto lacag dhan 4.4 milyan oo dollar.

Inkastoo ay dalalka galbeedka ka xun yihiin xaalad bani’aaddanimo ka dhalata dalka Afghanistan, taasoo culeys aan loo taag heyn ku keeni karta caalamka, ayaa haddana waxa ay diiddan yihiin inay si rasmi ah u aqoonsadaan xukuumadda Taliban.

Dhaqaalo xumida ka sokow, Taliban ayaa wajahayso weerarro xooggan oo uga imanaya ururka isku magacaabay Dowladda Islaamka.

Talaadadii, ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhimatay weerar ay xooggaga ururkaas ku qaadeen cisbitaal milateri oo ku yaal caasimadda Kabul.

Dagaallamayaal ka tirsan ururkaas ayaa gudaha u galay cisbitaalka, waxaana markii dambe laayay ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Taliban.

.

 BBC

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post