651 Views

Ururka Taliban oo qabsaday degaano hor leh oo ku yaala Afghanistan

Ururka Taliban oo  qabsaday degaano hor leh oo ku yaala  Afghanistan
____________________________________________________________________________

June 5 2021

Taliban ayaa jimcihii qabsatay degmo ku taal koofurta waddanka Afghanistan, iyada oo aan wax iska caabin ah kala kulmin ciidanka ammaanka ee dowladda Afghanistan, waana degmadii todobaad ee ay si buuxda ula wareegaan tan iyo markii Mareykanka iyo xulufadiisa NATO ay billaabeen ka bixistan dalkan.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee koofurta gobolka Zabul oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay Idaacadda VOA in dagaalyahannada Taliban ay soo galeen degmada Shinkay subixii hore ee Jimcaha, kaddib markii ciidmada dowladda ay dib uga gurteen.

Taliyaha booliska gobolkan Jeneraal Mohammad Wait Samemi ma xaqiijin dib u gurashada la sheegay, wuxuuna VOA u sheegay in ciidamada Afghanistan ay wali ku sugan yihiin gudaha degmada, isla markaana dagaalku socdo.

Afhayeenka Taliban Yousaf Ahmadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahannadooda ay sidoo kale qabteen shaqaalihii ammaanka, laakiin ma sheegin tiradooda, hase yeeshee sheegashada Taliban ee qabsashada shaqaalaha ammanka ayaan weli la xaqiijin karin.

Kabixista ciidmada shisheeyee ee Afghanistan ayaa keentay hoos u dhac amni, iyadoo laga walwalsan yahay rabshado iyo qalelaase dheeri ah.

Dhinaca kale, qarax bam-gacmeed ah oo habeenimadii xalay lagu qaaday gaari marayay caasimadda Kabul ayaa waxaa ku geeriyooday gabar saxafiyad ah oo u shaqeyneysay TV maxalli ah iyo hooyadeed, waxaana ku dhaawacmay walaasheed.

Mina Khairi ayaa u shaqeyneysay Ariana News seddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta TV-gaas.

Guddiga Badbaadada Suxufiyiinta Afghanistan ayaa bayaan ay soo saareen ku yiri “AJSC waxay si aad ah uga xuntahay in Mina Khairi oo ah weriye ka tirsan TV-ga Ariana News iyo hooyadeed ay ka mid ahaayeen dhibbanayaashii qaraxii shalay ka dhacay degmada lixaad ee magaalada Kabul. Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkan, waxaana ugu baaqeynaa dowladda inay si dhab ah u baarto”.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa amray ku dhawaad 2,500 oo ciidamada Mareykan ah iyo 7,000 oo ciidamada NATO ah bartamihii bishii Apriil inay ka baxaan dalka Afghanistan ugu dambeyn bisha September 11-keeda, waxaana go’aanka uu ku yimid heshiis bishii February ee sanadkii hore ay Taliban iyo Washington wada gaareen, kaas oo ahaa in Mareykanku ka baxo Afghanistan 20 sano kaddib.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post