1782 Views

Ciidanka Puntland oo Boosaaso ka sameeyay howlgalo ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

Ciidanka Puntland oo  Boosaaso ka sameeyay howlgalo ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.
____________________________________________________________________________


Sabti: September 25, 2021

Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Ciidanka PMPF ee Puntland ay saacadihii la soo dhaafay magaalada Boosaaso ka sameeyay howlgalo ay kusoo qabteen xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish.

War qoraal ah oo ka soo baxay PMPF ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas qorshaysan lagu bar-tilmaameedsaday xubno ka tirsan Al-shabaab iyo Daacish inkastoo aan tiradooda la xusin.

sidoo kale waxay sheegeen in  ay sii wadi doonaan hawlgallada qorshaysan ee lagu beegsanayo xubnaha Al-shabaab iyo Daacish ee ku sugan deegaanada Puntland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post