1527 Views

ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay saakay magaalada Muqdisho

ku dhawaad 10 qof oo ku dhintay qarax ka dhacay saakay magaalada Muqdisho
____________________________________________________________________________


khamiis: November 25, 2021

Ugu yaraan siddeed qof ayaa ku geeriyooday 17 kalena waa ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay inta u dhexeysa isgooyska Tarabuunka iyo dugsiga sare ee Benaadir ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen hey’adaha ammaanku.

Booliska ayaa sheegay in qaraxan loo adeegsaday gaariin noociisu ahaa Surf, kaas oo lala beegsaday gawaari ay leedahay shirkadda Duguf Security oo waardiyeyneysay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Qaramad Midoobay weli kama hadlin qaraxan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaartay shaqaalaheeda.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxyeello soo gaarsiiyay ardayda dugsiga Mocaasir iyo dad kale oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay.

Sidoo kale Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen ciidamada AMISOM.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post