357 Views

Askeri Soomaaliya ka soo dagaallamay oo si layaab leh ugu bareeray Dagaalka u krain

Askeri Soomaaliya ka soo dagaallamay oo si layaab leh ugu bareeray Dagaalka u  krain
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Nin horey uga tirsanaa ciidammada badda Kuuriyada Koonfureed isla markaana noqday Youtuber ayaa lasoo tebiyay uu ku dhaawacmay dagaalka Ukraine, isagoo markii waddankiisa lagu celiyayna la tuhunsan yahay in la xiray.

Kuuriyada Waqooyi ayaan muwaadiniinteeda u oggolayn in ay ku biiraan dagaalka ka socda Ukraine, hase yeeshee waxa uu isagu sheegay in dambi ay aheyd in xirfaddiisa uu adeegsan waayay in uu dadka ku caawiyo.

Ken Rhee, oo ah sarkaal hore oo qaabilsanaa dagaallada gaarka ah ayaa iska diiwaan geliyay safaaradda Ukraine ee Kuuriyada Koonfureed, waxay ku beegneyd maalintii madaxweynaha Ukraine uu codsi u jeediyay caalamka in uu u helo dad si iskood isku soo xilqaamay si ay ugu soo biiraan jiidda hore ee dagaalka ee Ukraine horraantii bishii March.

Ken Rhee wuxuu hadda ka hor kasoo shaqeeyay Soomaaliya isaga oo ka tirsanaa ciidammada gaarka ah ee Soomaaliya u diray Mareykanka. Wuxuu sidoo kale haystaa dhalashada Mareykanka

Hadda ka hor waxa uu ka qayb qaatay howlgallo militeri oo ka dhan ahaa Kuuriyada Waqooyi.

Sidoo kale waxa uu ka mid ahaa ciidamo howlgal militeri oo lagu sameeyay biyaha Afrika, kaas oo burcad badeedda Soomaalida ay uga badbaadiyeen dad ay afduub ku haysteen.

Muwaadiniinta Kuuriyada Koonfureed looma oggola inay u safraan Ukraine. Rhee oo dhaawacmay xilli uu tababar gaar ah ku bixinayay Ukriane markii uu kusoo laabtay Kuuriyada Koonfureed ayaa waxaa garoonka kula kulmay 15 askari oo boolis ah.

Askarigan hore ee caanka ah, wuxuu leeyahay bar Youtube ah, waxaana bartiisa ku xiran 700,000 qof, wuxuu inta badanaa soo dhigaa halkaas muuqallo uu uga hadlayo khibraddiisa dagaalka Ukriane, bartiisa Instagram-ka ayaa sidoo kale caan ah , wuxuu sheegay in uusan ka qoomameynin tallaabooyinkaas.

“Adiga oo maraya xeebaha tusaale ahaan waxaad aragtay qof biyaha ku qarqamay, ma dambi baa inaad caawiso qof sidaas ah” ayuu yiri Ken Rhee oo u warramayay wakaaladda wararka ee AFP.

Rhee waxa uu ku dhashay Kuuriyada Koonfureed balse waxa uu ku soo barbaaray Maraykanka. Waxa uu dhiganayay machadka militariga ee Virginia waxa uuna qorsheeyay in uu ku biiro ciidamada badda Mareykanka ee SEALS, balse aabbihii ayaa ku qanciyay wiilkiisa in uu ku laabto Kuuriyada Koonfureed si uu ugu biiro ciidamada dalkiisa.

 Waxa uu ciidan ahaa muddo toddobo sano ah, waxaana uu dhowr jeer ka soo shaqeeyay aagagga dagaalka ee Soomaaliya iyo Ciraaq ka hor inta uusan sameysan shirkad qaabilsan adeegyada militeriga

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post