399 Views

Golaha Wadashiga Qaran uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay sugu yimid kulan fogaan arrag ah.

Golaha Wadashiga Qaran uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo xalay sugu yimid kulan fogaan arrag ah.
____________________________________________________________________________

Khamiis: February 10, 2022

Golaha Wadashiga Qaran ee hoggaamiyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble kana mid yihiin Xubnaha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa xalay  isugu yimid kulan fogaan arrag ah.

Shirkaan oo uu guddoominayay Ra’iisul wasaare Rooble ayaa looga hadlay arrimaha Doorashooyinka ee ka socda dalka iyo sidii loo dar dargelin lahaa, maadaama uu soo dhow yahay xilligii ay madaxdu ku heshiiyeen in lagu soo gaba gabeeyo ee 25- bishaan Feberuary.

Madaxda ayaa ka wada hadlay xaaladihii Amni ee ugu dambeeyay dalka, iyadoo mas’uul kasta uu ka warbixiyay xaaladda amni ee deegaanadiisa iyo xoojinta howl gallada ka dhanka ah dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale, Golaha Wadashiga Qaran ayaa isku soo qaaday sidii wax looga qaban lahaa xaaladda Abaaraha dalka oo ka sii daraya, iyaga oo isla gartay in la abaabulo sidii wax looga qaban lahaa abaarta daran.

Kulankii u dambeeyay ee madaxda ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu go’aamiyay in Doorashada la billaabo 15 bishii hore ee January, isla markaasna la soo gaba gabeeyo 25 bishaan February oo maalmo kooban naga xigaan, ilaa haddana waxaa dhiman in ka badan boqol xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post