540 Views

Wax badan ka ogow xaafidul Qur’aanka ugu caansan Tiktok

Wax badan ka ogow xaafidul Qur’aanka ugu caansan Tiktok
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Wiilka ugu shacbiyadda badan TikTok adduunka oo dhan ee lagu magacaabo Khaby Lame ayaa ugu dambeyntii ka hadlay su’aalaha ku saabsan diintiisa.

Khaby Lame oo ah shakhsiga ugu caansan baraha bulshada, oo dhowaan kaalintaas kala wareegay Charli D’Amelio, ayaa daaha ka qaaday in aanu kaliya ahayn Muslim ku dhaqma diintiisa, balse uu sidoo kale yahay xaafidul-Quraan.

Khaby Lame oo la hadlayay mid ka mid ah warbaahinta Talyaaniga ayaa ka jawaabay su’aasha ugu badan ee la weydiiyay ee ku saabsanayd diintiisa, wuxuuna yiri “Haa waxaan ahay Muslim, Muslim ku dhaqma diintiisa. Ma garanayo wax kale oo aan iraahdo.”

Lame, oo 22 sano jir ah oo ku dhashay Senegal ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in qoyskiisu ay u guureen Talyaaniga isaga oo sanad jir ah, waxaana loo diray dugsi Qur’aan ku yaallay meel u dhow magaalada Dakar, Senegal si uu xaafidul-Quraan u noqdo, waxayna taasi u sahashay inuu Quraanka xifdiyo markii uu ahaa 14 jir.

Xiddiga reer Senegal ee TikTok, Khaby Lame ayaa hadda ah qofka ugu followers-ka badan TikToker adduunka oo dhan.

Waxaa bartiisa ku xiran dadka ugu badan TikTok, isagoo aan wax kelmad ah dhihin, wuxuu dhaafay gabadha markii hore ku jirtay kaalinta koowaad oo la yiraahdo Charli D’Amelio.

Lame wuxuu hadda haystaa 142.8 milyan oo qof oo ku xiran bartiisa TikTok, marka la barbar dhigo D’Amelio oo hayasta 142.3 milyan. Bishii Nofeembar ee sanadkii 2020, D’Amelio waxay noqotay qofkii ugu horreeyay ee TikTok isticmaala ee hela 100 milyan oo qof oo ku xiran.

Sida fudud ee uu ku billaabay TikTok bishii March ee sanadkii 2020 waxay ahayd maalmihii ugu horreeyay ee cudurka Coronovirus, Khabane Lame, waxa uu waayay shaqo uu ka heystay warshad ku taalla meel u dhow magaalada waqooyiga Talyaaniga ee Turin.

Wuxuu iska joogay guriga waalidiintiisa ee Chivasso, halkaas oo ay kula noolaayeen saddex walaalo ah, shaqo kale ayuuna rajeynayay.

Xilligaas ayaa sidoo kale ahayd markii ugu horreysay ee uu isticmaalay Tiktok, sida uu ku warramay wargeyska Newyork Times. Lame wuxuu leeyahay gacmo dhaadheer iyo waji dhuuban.

Maalin maalmaha ka mid ah, waxa uu soo dajistay app-ka TikTok, waxa uuna billaabay inuu muuqaallo isaga soo duubo qolkiisa jiifka. Muuqaallada uu soo dhigayay wuxuu ka soo galinayay cinwaan wata magaciisa Khaby Lame.

Wixii markaas ka billowday, wuxuu noqday xiddig caan ka ah Tiktok. Muuqaalladiisa la-yaabka leh ayaa dadka soo jiitay. Markii hore, sida dad badanba ay ku sameeyaan TikTok, wuxuu soo galin jiray muuqaallo uu iska soo duubay isagoo qoob-ka-ciyaar sameynaya, ciyaaro daawanaya ama sameynaya waxyaabo shactiro ah.

Lame, wuxuu muuqaalladiisa oo dhan caalamka gaarsiiyaa isagoo aamusan. TikTok dhexdiisa, aamusnaantiisa waa mid ka dhan ah hadal. “Fikrad ayaan la imid sababtoo ah waxaan arki jiray muuqaallo wareegaya, waxaana jecleystay in aan ku soo daro aragti wax fududeyn ah,” ayuu ku yiri wareysi uu siiyay telefishinka CNN.

Sanadkan ayuu isbeddel la yimid kaddib markii uu billaabay inuu majaajilo ka dhigo xeelado la xiriira nolosha, uuna muuqaallo ka soo diyaariyo isagoo ka-fal-celinaya ficillo ay dad kale sameeyeen.

Hal erayna ma soo raaciyo muuqaalladiisa falcelinta ah. Waxaa lagu tilmaamaa hadda inuu yahay ninka ugu taageerada badan uguna caansan TikTok. Qofka ku soo xiga oo ah Charli D’Amelio, oo ah gabar dhowr iyo toban sano jir ah oo ka soo jeedda California, waxay soo bandhigtaa muuqaallo ciyaar ah, inta badanna ay la soo sameyso walaasheed ka weyn.

Muuqaalladiisa waa hal nooc oo inta badan gaagaaban

Wuxuu gacmaha ku tilmaamaa muuqaallo ay dad kale soo sameeyeen iyagoo fulinaya xeelado dhanka nolosha ah oo adag.

Wuxuu uga jawaabaa muuqaallo si sahlan oo macquul gal ah loogu xallinayo isla arrimihii la adkeynayay.

Mid ka mid ah muuqaalladiisa, Lame wuxuu gacantiisa ku fiiqayaa moos isagoo tilmaamaya qof moos mindi ku fiiqayay kaddibna ku jarjarayay.

Mid kale, wuxuu ka fal-celinayaa muuqaal ay haweeney iska soo duubtay iyadoo si dhib badan u fiiqeysa qajaar ay ilkaheeda u adeegsaneyso.

Isagoo hoga tusaaleynaya ayuu ajaar ku fiiqayaa aalad yar oo loogu talogalay in khudaarta lagu fiiqo.

“Waxaa laga yaabaa in sida aan wajiga ka dhigayo ay tahay qaab shactiro ah, howsha aan fududeynayana ay ka qoslineyso dadka, taas ayaana jeclahay,” ayuu yiri.

Mararka qaar indhaha oo keliya ayuu dhaqaajiyaa, madaxana wuu ruxaa isagoo aan gacmaha ku dareynin.

Dad badan ayaa isaga qudhiisa muuqaalladiisa dib u adeegsada ama qaabkiisa tilmaanta ka min-guuriya.

Fal-celintiisa marka laga soo tago labada gacmood ee uu ku taago waxa uu tilmaamayo, wuxuu sidoo kale ruxaa madaxa kaddib marka uu sheego qaabka sahlan ee laga rabay in howsha loo fuliyo. Gacmahana wuxuu soo fidiyaa isagoo ay calaacalihiisa kor u jeedaan.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post