1026 Views

Ciidamo ilaalo ka ah meel aan ka fogayn agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Rasaas ku Furay Gaari uu la socday Imaamka Mudullood iyo Wax garad kale..

Ciidamo ilaalo ka ah meel aan ka fogayn agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir oo Rasaas ku Furay Gaari uu la socday Imaamka Mudullood iyo Wax garad kale..
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Waxaa Goor dhawayd Gaari ay la socdeen Imaamka Mudullood Imaam Maxamed Yusuf iyuoo wax garad kale  lagu rasaaseeyey magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aan ka fogayn Xabsiga dhexe.

Weerarkan  ayaa ka dhacay agagaarka Maxkamadda Gobolka Banaadir, waxaana lagu warramayaa inay gaysteen ciidamada ilaalada asluubta ee Xabsiga Dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la weeeraray ay sidoo kale Imaamka ku wehliyeen xubno ka tirsan odayaasha dhaqanka beelaha Mudullood, kuwaas kasoo laabtay gogosha tacsida Jeneral Maxamed Nuur Galaal.

Sida aan xogta ku helnay, gaariga ayaa waxaa la rasaaseeyey markii uu kasoo gudbay Koontaroolka koowaad ee waddada hormarta Xabsiga Dhexe, ee uu soo gaaray Koontaroolka labaad.

Sidoo kale Ciidanka Asluubta ee wadadaas ku leh koontaroolka ayaa rasaaseeyay gaariga Imaamka, oo ay la socdeen askar ilaalo u ah, waxaana ka dhashay dhaawacyo soo gaaray ilaalada iyo labo ka mid ah xubnihii dhaqanka ee la socday Imaamka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post