1704 Views

Duqa Muqdisho Oo Lagu Bilaabay La-Xisaabtan Iyo Waxyaabihii U Qabsoomay Oo La Weeydiiyey

Duqa Muqdisho Oo Lagu Bilaabay La-Xisaabtan Iyo Waxyaabihii U Qabsoomay Oo La Weeydiiyey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 08, 2018–MGuddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xarunta Villa Hargeysa kula kulmay guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow).

Guddoomiye Yariisow kulanka waxaa ku wehlinaayay guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Marwo Basma Caamir Shakeeti iyo Xoghayaha guud ee gobolka banaadir Mudane Cumar C/risaaq.

Guddiga ayaa masuuliyiinta gobolka banaadir su’aalo ka weydiiyay waxyaabihii u qabsoomay mudada ay xafiiska joogaan.

Sidoo kale guddiga ayaa weydiiyay qorshayaasha maamulka gobolka ay u diyaariyeen hormarinta caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in lagula xisaabtamo shaqada ay bulshada u hayaan.

 

 

“ Maamulka gobolka waxa uu diyaar u yahay in su’aalo laga weydiiyo oo lagula xisaabtamo shaqada uu hayo, xubnaha guddiga waxa ka codsanay iney nagala shaqeeyaan hormarinta iyo suggida amniga caasimadda”. ayuu yiri guddoomiye Yariisow.

 

Guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka Mudane Maxamed Cabdulle Faarax (Geeseey) ayaa sheegay in maamulka gobolka banaadir ay wax ka weydiiyeen qorshe howleedkooda.

“ Arrimo muhiim ah ayaa ka wada hadalnay, waxaa ka dhageysanay warbixin ku saabsan shaqooyinka ay bulshada u hayaan, waxyaabo baahiyo ah way noo soo gudbiyeen waxa la wadaageynaa cida ay khuseyso si wax loogu qabto”. ayuu yiri Xildhibaan Geeseey.

Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga ee golaha shacabka iyo maamulka gobolka banaadir ayaa ku balamay in si wadajir ah loogu wada shaqeeyo amniga iyo hormarinta caasimadda.

 

18 19 20 21

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment