885 Views

Barakac saakay ka bilaawday magalada Muqdisho iyo Cabsi Dagaal oo jirta saacadihii la soo dhaafay

Barakac saakay ka bilaawday magalada Muqdisho iyo Cabsi Dagaal oo jirta saacadihii la soo dhaafay
____________________________________________________________________________

April 27-2021

Waxaa magaalada Muqdisho  gaar ahaan Degmada Hodon iyo H/wadaag ka socda saacadihii la soo dhaafay  barakac aad u xoogan, oo dadka degaankaas ay doonayaan in ay Naftooda kala cararaan dagaalka laga cabsi qabo in uu mar kale ka dhex Qarxo Ciidamada Diidan mudo kororsiga iyo kuwa doonaya

Wararka ayaa sheegaya in Qaar ka mid dadka ku nool Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodan ee gobolka banaadir ay  bilaabeen  inay ka Barakacaan guryahooda,iyagoo ka cabsi qaba in korkooda lagu duldagaalamo.

Waxaa la arkayay Hooyooyin iyo Carruur iyagoo korka ku sita Alaab yar oo ay ka qaateen guryahooda oo Nabad ay ku daganaayeen wixii ka horeeyay 48kii saac ee la soo dhaafay.

sidoo kale Qaar ka mid ah dadka aroortii hore ka barakacay ayaa sheegay in jawi cabsi ah laga dareemayo xaafadahooda, waxay sheegeen in xaafadaha ay deganaayeen dhufeysyo laga sameystay

Aaggaga dhufeysyada laga qoday waxa kamid ah xaafado ku yaala degmooyinka Hodan, Hawlwadaag iyo Cabdicasiis, waxana lagu arkayaa rag aad hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.


.


Office Nairobi Kenya

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post