234 Views

Guddoomiye ku xigeenkii hore amniga gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere oo Fariin u diray Taliye ku xigeenka Booliska, General Zakiya

Guddoomiye ku xigeenkii hore amniga gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere oo Fariin u diray Taliye ku xigeenka Booliska, General Zakiya
____________________________________________________________________________

Isniin: DECEMBER 26, 2022

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir, Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) ayaa ka hadlay dhacdo ku aadan fal kufsi ah oo maalmo ka hor lagu soo eedeeyay Macallin Shuceyb Cabdi Maxamuud, balse ma dambe been abuur noqday.

Sheekadan ayaa ka dhacday magaalada Dhuusamareeb, waxaana markii ugu horreysay shaacisay taliye ku xigeenka Booliska, General Zakiya Xuseen Axmed oo sheegtay in lasoo xidhay Macallinka oo lagu eedeeyay kufsiga 3 gabdhood.

Intaas kadib ayaa waxaa kiiskan la wareegtay Maxkamadda gobolka Galgaduud oo dambi ku weysay Macallin Shuceyb, waxaana kadib la sii wareystay Waalidiinta gabdhaha la sheegay in la kufsaday oo iyagu beeniyay falkaasi kusfigaah, waxayna sheegeen in la been abuuray.

Cali Yare oo arrintaan soo fara-geliyey ayaa shaaca ka qaaday inay ka dambeeyaan gacmo shisheeye, si loo suurad xumeeyo sharafka Macallimiinta Dugsiyada Qur’aanka Kariimka, wuxuuna kula taliyay Macallinka laga been abuurtay in uu kiiskiisa ka furo gal dacwadeed, maadaama sharaf dil lagu sameeyay.

“Hadda kubaddu waxay gacantiisa ku jiraa Macalin Shuceyb, waxaanan kula talinayaa inuu gal dacwo maxkamadda ka furto oo uu Booliska ka dalbado magdhow sharaf-dilkii lagu sameeyay u dhigma,” ayuu yidhi Cali Yare.

Dhinaca kale wuxuu farriin u diray Generaal Zakiya, isaga oo ka dalbaday in marka hore ay boggeeda ka saarto qoraalka Macallinka, kadibna ay siiso magdhow iyo raalli-gelin buuxda.

“Walaasheey Taliye Zakiya oo aan ku aqaan qof aqoon duqrugsan u leh xuquuqda insaanka, haddii uu ka dhacay qalad sidaas u culus waxaa la gudboon ugu horreyn ineey qoraalka weli boggeeda ku jira ka saarto, raaligelin iyo magdhowna siiso macalinka,” ayuu raaciyay.

Haddii arrinkii lagu ceeboobay, haddii ay Booliskii, gabdhihii la yiri macalinka ayaa kufsaday iyo waliba waalidkii ay hadleen oo ay arrinkii fashil ku dhamaaday, haddii macalinkii uu Gen Zakia ka codsaday ineey ceebeyntiisa ka saarto boogeeda, maxaa loo qaadan karaa inuu weli qoraalkii ku sii jiro boggeeda rasmiga ah, oo weli ay bulshadu sii aqrineyso inuu macalinku kufsi geeystay, ayna diiday aqbalka codsiga Macalin Shuceyb? “ Ayuu Cali yare ku yidhi Qoraal kale.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post