879 Views

Guulleed:-Doorasha Faderaalka waxaa tusaale u ah tii Koofur galbeed,Galmudug & Hirshabeelle wareega 1 aad ayaa lagu kala baxay!

Guulleed:-Doorasha Faderaalka waxaa tusaale u ah tii Koofur galbeed,Galmudug & Hirshabeelle wareega 1 aad ayaa lagu kala baxay!
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | November18, 2020 –
Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxaxmed Guulleed Khadar ayaa khudbad uu ka dhax jeediyay Tiyaatarka Qaranka wuxuu sheegay in doorashada 2021ka wareega koowaadba ku guuleysan doonaan.

Wuxuu tusaale u soo qaatay doorashooyinkii ka dhacay qaar ka mid ah dowlad gobolleedyada dalka gaar ahaan Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle oo sida uu hadalka u dhigay madaxweynayaashu wareegii koowaadba ku guuleysteen.

“Dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka ayaa tusaale idinkugu filan, dowlad goboleedka Koonfur Galbeed xildhibaanadii waa shireen, tartan baa dhacay, la isma laheyn sida ay wax u dhaceen ayey wax u dhacayaan, isbadal baa dhacay, madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen wareegii koowaad ayuu aqlabiyad ku soo baxay, mar labaad waxaan ogeyn Galmudug, Qoor-qoor wareegii koowaad ayuu aqlabiyad kusoo baxay, mar saddexaad waxaan ogeyn Hirshabeelle, Cali Guudlaawe wareegii koowaad ayuu kusoo baxay, markaan waa xiligii wareega koowaad 2020 yaan loo deymo la’aan,” ayuu yiri Mahdi Guulee

Mahdi ayaa intaa ku darray in dalkan uusan marnaba u baahneyn hoggaamiye mar walba la tijaabiyo, laakiin taa badalkeeda horey loo sii socon doono’‘ Waxaan hamineynaa in aan wareegga koowaad si aan  mad-madow laheyn aan horay ugu sii socono, waayo dalkan horey u socod ayuu baahan yahay” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Guulleed.

Mahdi Guuleed oo sidoo kale u jawaabayey Madaxweyne xigeenka Kenya ayaa yiri “William Ruto iyo inta ku ra’yiga ah ee dowladaha Jaarka ahi ku jiraan waxyna ogeyn in Soomaaliya ay ka gudubtay waqtigii Masuul Soomaaliyeed uu waddan yeelanjiray, Dowlad Walba oo nasoo faragalisa way ku hungoobi-doontaa Kenya ama Ethiopia” Kadibna Hees Waddani ah ayuu qaaday.

Hadalkan ayaa imanaya xili qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaraadka iyo musharixiinta xilka madaxweynaha Soomaaliya ku eedeeyeen dowladda in ay abaabuleyso hannaan doorasho oo ku dhisan boob iyo musuqmaasuq sidaa daraadeed aan la aqbali karin.

Mucaaradka ayaa aad u dhaliilay guddiyada ay soo magacaabeen Madaxweyne-yaasha Koofur galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle waxa ayna sheegeen in aysan ka qayb noqonayn hadii aan wax gala badalin guddiga doorashooyinka Soomaaliya.

Musharixiinta Xildoonka ah ayaa ku dhaliilay guddiyada in ay yihiin saraakiil ka tirsan hay’adda Nabad Suggida Soomaaliya inkastoo aysan soo bandhigin cadaymo muujinaya in ay yihiin saraakiil ka tirsan hay’adaha amaanka.



Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post