810 Views

Maxkamad bari yeeshay gabar diinta Islaamka caysay

Maxkamad bari yeeshay gabar diinta Islaamka caysay
____________________________________________________________________________

Arbaco:  25/2022

Maxkamad ku taala dalka Faransiiska ayaa maalintii talaadada aheyd xukuntay 6 qof oo lagu eedeeyay in ay internetka ku dhibaateeyeen gabar dhalinyara oo diinta Islaamka wax ka sheegtay, gabadhaasi ayaa intabadan baraha bulshada soo geliso Muuqaalo ay diinta Islaamka wax kaga sheegeyso.

Bishii November sanadkii 2020-ka, muqaal ay gabadhan baraha bulshada soo gelisay oo ay Islaamka wax kaga sheegeyso ayaa aad u qabsaday internetka.

Gabadhan oo loo yaqaano Mila ayaa badashay iskoolkii ay horay u dhigan jirtay waxaana hadda ilaaliya booliiska sababo la xiriira hanjabaado loo geystay nolosheeda ka dib markii muuqaalo ay ku aflagaadaysay Islaamka ay soo shaac baxeen bishii January 2020 iyo November ee isla sanadkaas.

Maxkamada ayaa 6-daan qof ku kala xukuntay, saddex bilood oo xarig ah ilaa afar bilood.

Lixdan qof ayaa sidoo kale lagu xukumay in qof walbo oo iyaga ka mid ah uu Mila siiyo magdhow dhan 3,000 oo Yuuro ($3,200) laakin qareenka Mila ayaa sheegay in uusan ku qanacsanayn in uu arko iyagoo oo la xukumay, laakin uu aad u jeclan lahaa in gabadan ay hesho noolal caadi ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post