999 Views

Ciidamo hubeysan oo kusii jeedda Dhuusamareeb

Ciidamo hubeysan oo kusii jeedda Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Juun 22, 2019 –Ciidamo hubeysan oo la sheegay in ay u socdaan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa goor dhow ka gudbay Magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wariyeyaal ku sugan Magaalada Cadaado ayaa Risaala u sheegay in Ciidankaan ay yihiin kuwo aad u hubeysan, islamarkaana ay doonayaan in ay Madaxweynaha Galmudug u soo galbiyaan Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Mas’uuliyiinta dowladda ee ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ku eedeeyay in ay faragalin ku hayaan maamulka Galmudug, islamarkaana ay doonayaan in ay Carqaladeeyaan Hanaanka Shaqo maamulkiisa.

Qaar ka mid ah Bulshadda Magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ayaa kasoo horjeedda Faragalinta dowladda dhexe ee ku aadan doorashadda maamulka Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment