507 Views

Itoobiya oo xabsiga kasii deysay wariye afraad

Itoobiya oo xabsiga kasii deysay wariye afraad
____________________________________________________________________________


khamiis: January 20, 2022

Maamulka dalka Itoobiya, ayaa xabsiga kasii daayey Maaza Maxamed, oo ah saxafiyad muddo bil kahor loo xirey sabab lagu macneeyey xaaladda deg degga ah ee lagu soo rogey dalkani.

Maaza oo wax ka aasaastey warbaahinta Youtube-ka ee Roha Media, ayaa dhaleeceyn jirtey dowladda, kahor inta aan la xirin. Wax dambi ah laguma soo oogin.

Waa weriyihii afraad ee dhawaan xabsiga laga sii daayo. Tesfalem Tekle, oo ah wariye u shaqeeya kooxda warbaahinta qaranka, ee fadhigeedu yahay Kenya, ayaa lasii daayey horraantii toddobaadkan xabsiga, kadib 77 maalmood oo uu xirnaa.

Horraantii bishii November ee sanadkii tagey, ayey maxkamad kusoo sii deysay dammaanad, balse booliiska ayaa xabsiga kusii hayey.

Sidoo kale waxaa lasii daayey maalmihii lasoo dhaafey Ermias Tesfaye, oo ah wariye katirsan barta internet-ka ee ah barta lagu falan qeeyo arrimaha Itoobiya, iyo Cabdulsalaam Xasan, oo ka tirsanaan jirey warbaahinta Oromada ee OMN.

Guddiga difaaca Saxafiyiinta ee CPJ, ayaa ku eedeeyey dowladda Itoobiya iney u adeeg satey xaaladda deg degga ah, si ay weriyayaasha u xirto.

Horraantii bishan, shaqsiyaadka muhiimka ah ee mucaaradkana ah, oo ay ku jiraan qaar katirsan jabhadda TPLF ee Tigreega, kooxdan oo dagaal ku jirta dowladda in ka badan sanad, ayaa laga sii daayey xabsiyada, lagalana noqdey eedeymo kal hore loo soo jeediyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post