780 Views

Kiisaska Cudurka Coronavirus ee Hindiya oo aad u kordhay

Kiisaska Cudurka Coronavirus ee Hindiya oo aad u kordhay
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 20 2020
—Wasaaradda caafimaadka dalka Hindiya ayaa sheegtay  in 92,605 kiisas cusub oo Coronavirus ah la diiwaan geliyay  24-kii saac ee la soo dhaafay, taas oo ka dhigeysa in tirada guud ee dadka uu haleelay Karona Fayras ee dalkaas in ay kor u dhaaftay 5.4 milyan.

Wasaaradda caafimaadka ayaa intaas ku dartay in 1,113 qof u dhimatay cudurka saacadihii lasoo dhaafay, taas oo tirada guud ee dhimashada ka dhigeysa 86,752 qof.

Hindiya ayaa ku jirta dalalka uu aad u sameeyay cudurka Karoona, waxaana sii badanaya maalinba maalinta ka danbeysa tirada uu ku dhacayo cudurka.

Tirada guud ee Karoona  uu ku dhacay caalamka ayaa kor u dhaaftay 30-milyan, waxaana aad looga baqayaa in tiradu aad usii kororto.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post