1038 Views

Shabaab oo soo saaray Amar ka dhan ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka

Shabaab oo soo saaray Amar ka dhan ah Ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 15, 2019 —War kasoo baxay Maanta oo Isniin ah hoggaanka Sare ee Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa baaq iyo farriin culus loogu diray ergadii soo dooratay Xildhibaannada Golaha Shacabka & kuwa Dowlad goboleedyada ka jira dalka.

 

Bayaan kasoo baxay Al-Shabaab oo ku qoran luuqadaha Soomaaliga iyo English-ka ayaa  looga dalbaday Ergada soo dooratay xildhibaannada Golaha Shacabka iyo kuwa Dowlad goboleedyada in mudo 45 Maalmood gudahood ah oo ka bilaabaneysa 15/7/2019 kuna Eg 1/9/2019 ay iska diiwaangeliyaan goobaha ay maamulaan Al-Shabaab.

 

Waxaa bayaanka lagu sheegay in ergada ay galeen qalad weyn loogana baaha yahay inay kasoo laabtaan,iyada oo loogu hanjabay cidii ka dhega adeegta Amarka Al-Shabaab ay tallaabo ka qaadi doonaan.

 

Warkaan kasoo baxay Al-Shabaab ayaa imaanaya xilli todobaadkii hore Xildhibaan Maxamed Xuseen (Afaraale) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka uu kulan uu lahaa Goaha Shacabka ka hor sheegay in Ergadii soo dooratay ay u yeereen Al-Shabaab,isla markaana ay jiraan deegaanka Iidaale ee Gobolka Baay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment