672 Views

TPLF oo soo rogaal celisay saddex degmana qabsatay

TPLF oo soo rogaal celisay saddex degmana qabsatay
____________________________________________________________________________


khamiis: January 27, 2022

Madaxa xafiiska isgaarsiinta dowladda ee deegaanka Cafarta ayaa BBC u sheegay ciidamada TPLF iney dagaal ku soo qaadeen deegaanka Cafarta ayna qabsadeen seddex degmo.

Axmed Kaloyta wuxuu sheegay maalmihii la soo dhaafay xoogagga TPLF iney seddex degmo ay ku soo qaadeen weerarro ay u adeegsanayeen hubka culus.

Dagaal toddobaadkii hore ka dhacay xadka ay wadaagaan deegaannada Tigraay iyo Cafarta ayaa labada dhinac midba midka kale wuxuu ku eedeynayey inuu dagaalku isagu billaabay.

Warsaxafadeed ka soo baxay xafiiska isgaarsiinta dowladda ee deegaanka Cafarta waxaa lagu sheegay iney TPLF dagaal ku soo qaadeen ayna qabsadeen degmooyinka Abcala, Magaale iyo Baraxle.

Dagaalka TPLF ay ku soo qaadeen deegaanka Cafarta wuxuu ku tilmaamay mid ay uga gol leeyihiin iney aargoosi sameeyaan maadaamaa TPLF lagu jabiyey dagaalkii u dambeeyey ee looga saaray degmooyinka ay ka qabsadeen deegaanka Cafarta.

TPLF dhankooda waxay sheegeen ciidamada deegaanka Cafarta iney dagaalka iyagu soo qaadeen si ay u carqaladeeyaan howlaha gargaarka baniaadanimo ee Tigraay uga yimaadda dhinaca deegaanka Cafarta.

TPLF waxay ciidamada Eritrea iyo kuwa deegaanka Cafarta ay ku eedeysay aagga Abcaala inay ku soo qaadeen dagaal qorsheysan, iyaga oo dowladda dhexena ku eedeeyey dagaalka iney iyadu ka dambeyso si loo joojiyo gargaarka bani’aadanimo ee deegaanka Tigraay loo wado.

Axmed waxaa kale uu sheegay degmooyinka ay TPLF dagaalka ku qabsadeen oo ku teedsan xadka ay Tigraay la wadaagaan iney dad badan ku barakaceen dagaalkana uu geystay dhibaatooyin lixaad leh.

Wuxuuna sheegay dagaalka cusub ee ay TPLF ku soo qaadday deegaanka Cafarta inuu hor istaagay dadaal ay dowlad deegaanka Cafarta ugu jirtay iney deegaannadii ay ka soo barakaceen dib uga celiso kumannaan shacab ah oo ay dagaalladu barakiciyeen.

Ilaa iyo haddana lama oga qasaaraha rasmiga ah uu dagaalkan cusub u geystay shacabka ku nool seddexdaasi degmo ee TPLF qabsadeen maadaamaa uu dagaalku uu weli sodo.

‘Dowladda Dhexe Tallaabbo ha qaaddo’

Axmed Kaloyta, Madaxa Xafiiska Isgaarsiinta Dowladda ee Deegaanka Cafarta wuxuu sheegay xoogagga TPLF markii ay qabsanayeen seddexdaasi degmo iney degmooyinkaasi ay ku sugneen ciidamada dowladda dhexe.

“Deegaanka Cafarta dagaal sal ballaaran ayaa lagu soo qaaday. Qaranimada dalka khatar ayaa soo food saartay. Dowladda waa iney ilaalisaa amniga shacabka. Sidaa darteed dowladda dhexe waxaa looga baahan yahay tallaabba kasta oo suuragal ah iney qaaddo” ayuu yiri.

Wuxuuna intaa raaciyey ujeeddada ugu weyn ee ciidamada gaarka ah ee deeganka Cafrta loo aasaasay iney tahay ilaalinta “nabadda iyo xasiloonida deegaanka.” Marka shacabka rayadka oo la dhibaateeynayo iney ciidamadoodu gacmaha ka laabaneyn.

Gargaarka bani aadanimada

Degmada Abcaala ee ay xoogagga TPLF qabsadeen waa marinka ugu muhiimsan ee deegaanka Tigraay loo soo mariyo gargaarka bani aadanimada ee uga yimaadda hay’adaha gargaarka bixiya.

Wakiilka Qaramada Midoobay u jooga dalka Itoobiya Ambasador Asqe Sillaase wuxuu bartiisa Twitter-ka uu ku soo qoray howlahi gargaarka bani aadanimada ee ay ka wadeen deegaanka Cafarta iney dagaallada cusub carqaladeeyeen gargaarkina uu istaagay.

“Dagaalka cusub ee dhexmaray xoogagga TPLF iyo ciidamada deegaanka Cafarta gaadiidki raashiinka gargaarka u siday Tigraay waxay ku qasbeen iney dib u soo laabtaan, dagaalkan cusubna waxaa mas’uuliyaddiisa qaadaya TPLF,” ayuu yiri.

Dowladda dhexe ee Itoobiya raashiinka dhulka loo marinayo deegaanka Tigraay ka sokoow waxay oggolaatay iney dawooyinka iyo waxyaabaha daruuriga ah diyaarado lagu gaarsiiyo deegaanka Tigraay.

Dagaalka waqooyiga dalka Itoobiya 14-ka bilood ka socda oo ka soo billaawday deegaanka Tigraay markii damabana ku sii fiday deegaannada Amxaarada iyo Cafarta waxaa ku barakacay kumannaan qof.

Dagaalka bilooyinka dhexmarayey ciidamada federaalka iyo kuwa TPLF waxaa ugu dambeynti bishii hore looga adkaaday xoogagga TPLF tasoo ku qasabtay iney gabi ahaanba isaga baxaan deegannada Amxaarada iyo Cafarta oo ay dhul badan ka heysteen waxay dib ugu noqdeen deegaanka Tigraay oo ay marki horaba dagaalka ka soo qaadeen.

Toddobaadyadi la soo dhaafayna marka laga reebo duqeymaha dhinaca cirka ee ay diyaaradaha dagaalka dowladda dhexe ay ka fuinayeen bartilmaameedyo ku yalla deegaanka Tigraay ma jirin dagaal weyn oo labada dhinac halkaasi ku dhexmaray.

Dhinacya badan ayaa dadaal xooggan u galay sidi ay Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo TPLF ay waanwan colaadda lagu soo afjarayo uga dhex billaabi lahaayeen balse dadaalladaasi oo dhan weli miro dhal ma noqon.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post