261 Views

Ra’iisalwasaarihii hore Pakistan, Cimraan Khaan oo sheegay in dalkiisa uu wajihi doono dhaqaale burbur la mid ah kan ku dhacay dalka Sri Lanka

Ra’iisalwasaarihii hore Pakistan, Cimraan Khaan oo sheegay in dalkiisa uu wajihi doono dhaqaale burbur la mid ah kan ku dhacay dalka Sri Lanka
____________________________________________________________________________

.

Khamiis:  January 19 2023

Ra’iisalwasaarihii hore ee dalka Pakistan, Cimraan Khaan, ayaa sheegay in dalkiisa uu wajihi doono dhaqaale burbur la mid ah kan ku dhacay dalka Sri Lanka.

Cimraan Khaan ayaa BBC-da u sheegay in doorasho guud oo dalkaasi ka dhacdo ay tahay waxa kaliya ee dalkaasi xasillooni ku soo celin karayo.

Cimraan ayaa xilka ka degay kaddib markii bishii Abriil ee sanadkii hore cod kalsooni-darro ah loo qaaday, wuxuuna tan iyo xilligaasi u ololeynayay in uu xukunka ku soo laabto.

Dhaqaalaha dalkaasi Pakistan ayaa sii liicayay, waxaana sii dhammaanayay hantida keydka ahi ee dibadda u taal dalkaasi.

Dadka naqdiya Cimraan Khaan ayaa sheegaya in dedaallada uu ku doonayo in uu ku carqaladeeyo siyaasadda dalka ay uga sii dareyso xaaladda dhaqaale ee dalkaasi ku sugan yahay, waxaana dowladda Pakistan ay dhibaatadaasi u aaneysay sharciyo uu isaga soo hindisay muddadii uu xilka hayay.

Hase yeeshee Cimraan Khaan ayaa eedeymahaasi iska fogeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post