1377 Views

Akhriso:- Ujeedka Baladweyne u tagayo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti

Akhriso:- Ujeedka Baladweyne u tagayo Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maarso 18, 2019 –Saacadaha soo socda ayaa la filayaa in Magalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan uu tago Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga dalka Jabuuti Cali Xasan Bahdoon oo ka mid ahaa wafdigii Madaxweynaha Jabuuti ee dhawaan soo gaaray Magalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa shalay isaga haray wafdiga Madaxweyne Geelle ee dib ugu laabtay Jabuuti,waxaana la filayaa in uu Maanta tago Magalada Baladweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan kuwa Jabuuti ee Howlgalka AMISOM.

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa qorshuhu ahaa in uu tago Magalada Baladweyne,balse uu ka baaqday,waxaana Wasiirka Gaashaandhigga Dowladda Jabuuti uu booqan doonaa Xerooyinka ay Ciidamada Jabuuti ku leeyihiin Baladweyne,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in uu sidoo kale tegi doono Magaalooyinka Buulo burde iyo Jalalaqsi ee Gobolkaasi Hiiraan.

Saraakiisha ciidamada Jabuuti ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato,isaga oo kala hadli doona xaalada ay ku sugan yihiin iyo halka uu marayo howlgalka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Hiiraan ayaa waxaa ku sugan ciidamo ka socda dowladda Jabuuti ee Hiil-Walaal,kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ka wadaan Gudaha Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment