567 Views

Nabadoon Caan aha oo Lagu Dilay Magaalada Baladweyne

Nabadoon Caan aha oo Lagu Dilay Magaalada Baladweyne
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 9, 2022

Nabadoon caan ah oo ka tirsan dadka degaanka ayaa xalay lagu dilay magaalada Balad-weyne ee gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya

Marxuum Nabadoon Cabdi Xuseen Colow ayaa la soo sheegayaa in la dilay xili uu ka soo baxay Masaajid uu ku soo tukaday salaadii maqrib ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley hubeysan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in raggii dilay nabadoonka ay baxsadeen markiiba, waxaana goobtaas gaaray ciidamada amaanka Hirshabelle oo howlgalo baaritaan ah ka wada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post