1557 Views

Duuliyihii U Dhashay Dalka Hindiya Oo La Sii Dayn Doono.

Duuliyihii U Dhashay Dalka Hindiya Oo La Sii Dayn Doono.
____________________________________________________________________________

Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Cimraan Khaan ayaa sheegay in Duuliyahaasi oo lagu magacaabo Abhinandan Varthaman la sii dayn doono berrito oo Jimco ah, si loo muujiyo calaamad nabad ah.

Ra’isul-wasaare Khaan waxa uu hadalkaasi ka sheegay Fadhi ay Mudanayaasha Barlamaanka dalkiisa maanta ku yeesheen magaalladda Islamabaad, wuxuuna xusay inuu xalay ku guul-daraystay isku-day uu ku doonayey inuu Khadka Telefoonka kula hadlo dhigiisa dalka Hindiya, Narenda Moodi, si uu ugu muujiyo inay Pakistan doonayso Nabad, oo aysan doonaynin nooc kasta oo colaadeed.

Dhinaca kale,  Telefishinka NDTV waxa uu maanta baahiyey inaysan Dowladda Hindiya wax wada-xaajood ah ka geli doonin Duuliyaha ay Pakistan gacanta ku hayaan, loona baahan yahay inay shuruud la’aan ku sii daayaan Duuliyahaasi.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment