852 Views

SAWIRO:-Ciidamo horleh oo lagu daadiyay wadooyinka Dhuusamareeb

SAWIRO:-Ciidamo horleh oo lagu daadiyay wadooyinka Dhuusamareeb
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 12  2020–Ciidamada ka tirsan Booliiska Soomaaliya ayaa lagu daadiyay wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug si ay u xaqiijiyaan Amniga Guud ee Magaalada oo uu ka socdo Shirka Madaxda Dowlad goboleedyada.

Ciidamada Booliiska ayaa gaaf-wareegaya wadooyinka Magaalada iyadoona lagu arkayo baro koontrol oo magaalada dhexdeeda la dhigay kuwaas oo gaadiidka lagu hubinayo.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliiska Galmudug Janeraal Bishaar Abshir Geedi oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in ay gudanayaan waajibka Booliiska ka saaran Amniga.

Waxaa uu Bulshada Dhuusamareeb kaga mahad celiyay wadashaqeynta ay u muujiyeen laamaha Amniga ,si ay ugu guuleysaan sugida amniga Magaalada oo mas’uuliyiin farabadan ay ku sugan yihin.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post