834 Views

Al-shabaab oo Mar kale Xalay Madaafiic ku garaacday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.

Al-shabaab oo Mar kale Xalay Madaafiic ku garaacday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb.
____________________________________________________________________________

.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo sadqii dhexe ee xalay lagu qaaday Garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug.

Rag hubeysan oo la rumeysan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa la sheegay in weerarkaas ay ku qaadeen Saldhig Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Jabuuti ay ku leeyihiin gudaha Garoonka diyaaradaha

Dadka deegaanka ayaa soo weriyay in xalay ay maqlayeen dhawaqa madaafiic Culus oo ku dhaceysa agagaarka Garoonka Dhuusamareeb, waxaana tirada madaafiicda la maqlay lagu sheegay ku dhawaad 7 madfac oo qaarkood ku dhacay gudaha garoonka.

Sidoo kale Ciidanka AMISOM ayaa Jawaab ka bixiyay madaafiicda lagu weeraray, waxaana kuwa ay tuureen Ciidamada qaar kamid ah ay ku dhaceen waddo ku dhow garoonka, iyadoo intaas kadib rasaas goos goos ah la maqlayay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post