714 Views

Trump oo lagu baaqay in uu aqbalo natiijada doorashada looga guuleestay

Trump oo lagu baaqay in uu aqbalo natiijada doorashada looga guuleestay
____________________________________________________________________________

Saraakiil horey uga soo shaqeyn jirtay Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa ugu baaqday Trump in uu aqbalo natiijada doorashada si loo gudo galo hanaanka xil wareejintiisa.

Bayaan kasoo baxay saraakiishan ayaa lagu sheegay “Tani waxay aheyd doorasho si weyn loogu loolamayay balse sida ku xusan taariikhda waxaa jiray madaxweyneyaal xilka uu sii hayay oo kuwii ka guuleystay u fududeeyay xil wareejinta”

Waxaana kamid ahaa dadkaas baaqa u jeediyay Trump saraakiil horey ula soo shaqeysay madaxweyneyaashii hore ee Mareykanka sida Busha, Obama iyo Clinton.

Waaxda guud ee adeegyada maamulka oo ah laan ka tirsan dowladda ayaanan weli si rasmi ah Biden u aqoonsan in uu yahay madaxweynaha la doortay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post