357 Views

Ciidamada Amaanka oo toogtay mid kamid ah rag dhac ka geeysanayay Suuqa Xoolaha.

Ciidamada Amaanka oo toogtay mid kamid ah rag dhac ka geeysanayay Suuqa Xoolaha.
____________________________________________________________________________

Axad: June 18, 2022

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa howlgallo xaafada Cameyska ayaa toogtay mid ka mida Afar Tuuga kuwaa oo Habeen walba dadka shacabka ah ku dhaci jiray Carafaad iyo Caymiska ilaa Suuuqa Xoolaha sida ay inoo shegeen Goobjoogayaal aanu la hadalnay.

Ciidamadda amaanka ayaa sheegay in Sadax ka mida tuugadii ay baxsaden  balse mid kamid ah ay toogteen ka dib markii uu isku dayay in uu sameeyo iska caabin sida ay Boolisku inoo sheegee.

Dadka deegaanka oo aan qaarkood la hadalnay ayaa tilmaameen in shaqo weeyn ay qabteen Ciidanada Dowladda, ayna ku faraxsanyihiin dilka tuugadda, balse ay sidoo kale Ciidamada Dowladda ugu baaqeen in ay soo qabtaan Raggii kale ee la socday.

Degmooyinka gobolka banaadir ayaa mudooyinkii danbo waxaa qaati laga taagnaa tuugo ku hubaysan hubka fudud kuwaa oo habiin iyo maalin dhac ka geeysata Degmooyinka Gobolka Banaadir, haba ugu sii badnaadaane  degmooyinka kaaraan, hodon iyo Degmada Deyniile.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post