1677 Views

Qarax ka dhacay Ceewaaq & faah faahin laga helayo

Qarax ka dhacay Ceewaaq & faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Jimco:  October 21, 2021

Qaraxaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Hoolka Xarunta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu Aaso ayaa xilliga uu ka dhacayay waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada ee Jubbaland, kuwaas oo ku waxyeeloobay qaraxa.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba kamid ah askarta goobts ku sugneyd, kuwaas oo la geeyay Isbitaalka degmada Ceelwaaq.

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay degmada kaliya ee Gobolka Gedo ay ka joogaan Ciidanka Jubbaland, waxaana ku wehliya kuwa Kenya ee katirsan AMISOM.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post