324 Views

Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gantaal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus malatari

Kuuriyadda Waqooyi oo tijaabisay gantaal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus malatari
____________________________________________________________________________

,
Sabti: OCTOBER 15, 2022

Kuuriyadda Waqooyi ayaa tijaabisay gantaal ballatic ah, iyadoo ka jawaabaysa dhuula-tus malatari oo ay si wada jir ah xadka uga samaynayaan Kuuriyadda Koonfureed, Japan iyo Maraykanka, waana gantaalkii 41-aad ee ay ridday sannadkan 2022.

Kuuriyada Waqooyiayaa waxay dhoola-tusyada wada jirka ah u aragtaa qorsheynta duulaan, waxayna qaadaysaa tallaabo militari oo xooggan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa sidoo kale ku guuleysatay tijaabinta labo gantaal oo istiraatiiji ah oo riddada dheer Arbacadii, iyadoo hogaamiye, Kim Jong-Un uu si shaqsi ah u hagayay tijaabada.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo in Kuuriyada Waqooyi ay mar kale sameyso tijaabooyinka nukliyeerka iyadoo ay sii xumaaneyso gacanka Kuuriya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post