267 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo Iyo mowqifka DF Somalia

Madaxweyne  Xasan Sheekh oo ka hadlay dagaalkii Baydhabo Iyo mowqifka DF Somalia
____________________________________________________________________________

Sabti: DECEMBER 24, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyay Masjidka Shuhadada ee Madaxtooyada Qaranka, ayaa dul istaagay guulaha laga gaaray halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta, xaalada magaalada Baydhabo iyo la-dagaallanka musuqmaasuqa.

 “Baydhabo waxa ka dhacay  waa wax aad iyo aad looga murugoodu loogana xumaado. Ma joogno waqtigaan dhexdeena dagaallami lahayn ee waxaan joognaa xiligii aan cadowga iska xoreyn lahayn. Siyaasadda halaga wada hadlo, madaxda joogta hala dhowro kuwa hamigga lehna hala dhowro dadkana halloo turo.” Ayuu yidhi Xasan sheikh.

Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhamaantiin waxaa tihiin ehel ee dagaalka iska dhaafa oo isku tura.” Ayuu yidhi Madaxwaynaha.

Xasan sheikh  ayaa sheegay inuu waqti badan ku bixiyey in wixii maanta dhacay aysan ka dhicin Baydhaba oo laga hortago, balse uu ka tacsiyeynayo gacan ka hadalkii maanta.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post