585 Views

Al Shabaab oo weeraro culus ku qaaday deegaano hoostaga magaalada Mandheera Xili Doorashada ay dhacayso maanta.

Al Shabaab oo weeraro culus ku qaaday deegaano hoostaga magaalada Mandheera Xili Doorashada ay dhacayso maanta.
____________________________________________________________________________

Talaado: AUGUST 9, 2022

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weeraro culus ku qaaday deegaano hoostaga magaalada Mandheera ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya, xilli guud ahaan dalka Kenya maanta ka bilaabatay doorashada Madaxweynaha.

Koox hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday labo deegaan ay ku sugnaayeen ciidamada Kenya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaalo xooggan oo dhax maray kooxda Al Shabaab iyo ciidamada Kenya.

Dadka ku dhaqan deegaanada la weeraray ayaa sheegay in ay maqlayeen hubka nuucyadiisa kala duwan oo labada dhinac isku adeegsanayeen, waxaana dagaalka socday daqiiqado dhoor ah .

Khasaaro ayaa lasoo warinayaa in uu soo kala gaaray labada dhinac ee dagaalamay, mana jirto ilaa hadda cid si rasmi ah u xaqiijiyay khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka dhax maray Al Shabaab iyo Ciidamada Kenya.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerareen deegaano ay ka socotay diyaar garowga doorashada Kenya maanta ka bilaabatay, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in weerarkaasi khasaaro ku gaarsiiyeen ciidamada Kenya

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post