891 Views

Puntland oo soo bandhigtay Magacyada musharrixiinta lix kursi

Puntland oo soo bandhigtay Magacyada musharrixiinta lix kursi
____________________________________________________________________________

Guddiga Doorashooyinka Maamulka Puntland ayaa shaaciyey musharraxiinta utartamaya lixda kursi ee doorashadoodu ku dhinayd magaalada Garoowe, kuwaas oo buuxiyey shuruudihii murashaxnnimo ee looga baahnaa.

Magacyada musharrixiinta lixda kursi oo gaaraya 12 musharrax ayaa la soo bandhigay, waxaana jira kuraasta qaar oo dad loo xiray, waxaana ay kala yihiin.

1: Hop#221 ayaa waxaa ku tartami doona Cabdirisaaq Xasan Axmed ( Dhookir) oo katirsan Saraakiisha Hay’adda PMPF Puntland & Cali Maxamed Axmed.

2.Hop#199 ayaa waxaa ku tartamaya Guddoomiyaha Gobolka Mudug Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) & luul Abshir Diiriye.

3. Hop#129 ayaa waxaa ku tartamaya Sacdiya Yaasiin Xaaji (Sacdiya Salaad) oo kursigaan ku fadhisa & Sacdiyo Cabdullaahi Salaad.

4. Hop#198 ayaa waxaa ku tartamaya Cismaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) iyo Cabdiraxmaan Ciise Maxamed.

5. Hop#191 oo ay ku tartami doonaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigato) iyo Maxamed Cabdixamiid Warsame.

6. Hop#073 ayaa waxaa ku tartami doona Maxamed Cabdullaahi Keyse & Cabdullaahi Cabdi Jaamac.

Maamulka Puntland ayaa Maalinta Berito oo Jimco ah soo geba-gabeeynayo doorashada guud ahaan kuraasta Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Puntland.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post