804 Views

Yaanyuuiyo qofkii lahaa oo lix sannadood ka dib is helay

Yaanyuuiyo qofkii lahaa oo lix sannadood ka dib is helay
____________________________________________________________________________

Bisad “Harag iyo lafo” noqotay oo dhex mushaaxeysa magaalada ayaa dib ula midowday milkiilaheeda kadib markii sida ka muuqata ay ku nooleyd xaalad liidatay muddo lix sannaood ah.

Bisaddan oo lagu magacaabo Muggles ayaa markii la waayaynay ahayd mid cayilan waxaana xilligaasi ay bisaddu da;deedu ahayd 3 jir.

Ka dib markii lagu arkay magaalada, sawirkeeda ayaa waxaa lagu wadaagay baraha bulshada sidaasi ayayna milkiileheeda ugu suuragashay iney dib u midoobaan.

Milkiilaha yaanyuurta oo lagu magacaabo Eloise Renyard ayaa sheegtay in ay si dhakhsiya isku aqoonsadeen labadooduba.

“Bisadda qoyskeenna oo aan mar walba ugu yeeri jiray Mr Muggles – ayaa la waayey gugii 2014-kii,” ayay tidhi Miss Renyard, oo markaas 18 jir ahayd.

“Waxay ii ahayd sida hooskeyga oo kale, meel walbana way iisoo raaci jirtay.”

Eloise Renyard oo ah ku xigeenka kalkaalisada caafimaadka xoolaha ayaa u gudubtay xadka iyadoo laba sanno ka dib u sii gudubtay Cambridgeshire, waxayna qoyskeedana ka quusteen rajo kasta oo ay ka qabeen in dib loo helo yaanuurtooda.

Si kastaba ha noqotee, sawirrada bisadda oo laf iyo maqaar noqotay ayaa toddobaadkii la soo dhaafay lagu baahiyay bog Facebook.

“Waan arkay, waxaana markiiba gartay iney bisadeydii tahay.” ayay tiri.

Waxay tiri markii aanu guriga ku soo noqonay Muggles “aniga ayay si toos ah iigu timid, ka dibna waxay ku soo seexatay dhabtayda”.

“Ma garanayno sababta aysan guriga u imaani weysay, waxayna umuuqataa iney nolol adag ku noolayd, laakiin ugu dambeyn waan soo ceshaday bisadeyda,” ayay tiri.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post