612 Views

Jubbaland iyo Puntland oo bogaadiyey go’aankii uu qaatay RW Rooble ee Dubai

Jubbaland iyo Puntland oo bogaadiyey go’aankii uu qaatay RW Rooble ee Dubai
____________________________________________________________________________

Sabti: January 8, 2022

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa aad u soo dhoweeyey tallaabada uu Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble uu dib ugu saxayo siyaasadda arrimaha dibadda iyo xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashi ee Soomaaliya la leedahay adduunka intiisa kale.

“Waxaan boggaadineynaa garowsiyaha iyo raallingelinta Ra’iisalwasaaruhu ka bixiyey khaladkii  April 2018 lagula kacay Dowladda aynu walaalaha nahay ee Imaaraadka,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ay baahisay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale Puntland ayaa dowladda Imaaraadka uga mahacelisay gurmadkii ay maanta u fidiyeen dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Dhanka kale Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta hoygiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay safiirka dowlada Imaaradka u jooga Soomaaliya Danjire Maxamed Axmed Cuthmaan, ayaa soo dhaweeyey tallaabadii Ra’iisul Wasaare Rooble, sidoo kale wuxuu safiirka uga mahad celiyay gurmadkii ay dowladiisu ka gaystay abaaraha ka jira Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post