2253 Views

Qarax Iyo Dilal Ka Dhacay Muqdisho

Qarax Iyo Dilal Ka Dhacay Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 23, 2018 –Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay qof ku dishay Boosteejada laga raaco Gaadiid ee ku dhow Isgoyska Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho.

Qofka dhintay ayaa magaciisa lagu sheegay Dhocey,waxaana la sheegay in uu ahaa qof Gawaarida rari jiray.

Ciidamada dowladda oo goobta gaaray dilka kaddib ayaa la kulmay labo qarax oo lagu sheegay Bambo gacmeed,mana jirin wax khasaare ah oo ka dhashay.

Falalka liddiga ku ah amaanka Muqdisho ayaa aad u soo badanayay todobaadyadii la soo dhaafay,waxaana lagu dilay dhowr wof oo kala duwan.

 

La soco wixii soo kordha.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment