1266 Views

Kulan Muqdisho uga furmay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka

Kulan  Muqdisho uga  furmay Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka
____________________________________________________________________________

,


Isniin: August 23, 2021 

Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho ka furmay kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Midowga Musharaxiinta Mucaaridka iyo Madaxda dowlad goboleedyada dalka, oo ayagu isku maandhafsan habraacyada doorashada.

Kulanka oo hadda ka socda hoyga ay magaalada Muqdisho ka degan yihiin madaxweyne Axmed Madoobe iyo Saciid Deni, waxayn wararku sheegayaan ayaa in kulankaan uu ku yimid kadib codsi ay labada madaxweyne u direen Midowga Musharaxiinta oo ay markii hore ahaayeen saaxiibo dhow.

Mucaaradka iyo Madaxda dowlad goboleedyada qaarkooda oo markii hore xulafo dhow ahaa ayaa maalmihii dambe ku kala fogaaday hanaanka doorashada, kadib markii ay madaxda maamulada qaateen awooda doorashada.

Habraacyadii ay shalay soo sareen Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa daaha ka rogay inay si rasmi ah ula wareegeen awooda doorashada xildhibaanada golaha shacabka, kaasi oo ku jiro qodobo u sahlaya inay gacanta ku dhigaan ergada wax dooraneysa.

Doorashada xildhibaanada golaha shacabka ayaa sida ku cad heshiisyadii hore iyo habraacii uu dhawaan soo saaray guddiga doorashada ee heer federaal waxay dhigayaan in awooda ugu badan ee doorashada xubnaha golaha shacabka ay leeyihiin qabaa’ilka kursiga iska leh.

Noqol ka mid ah habraaca looga heshiiyey soo xulidda Ergada waxaa looga hadlay qaabka cod-bixinta ergada iyo inta uu kooramkoodu ku buuxsami karo, waxaana lagu yiri, “Kooramka codbixinta ergada waxa uu ansax noqonayaa marka ay joogaan ugu yaraan seddax meelood laba meel oo ergo ah.”

Kala soco Bogan wixii ku soo kordha kulankaas

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post