573 Views

Wasiiro uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni oo la dhaariyay

Wasiiro uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Deni oo la dhaariyay
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 19, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa goobjoog ka noqday munaasabadda dhaarinta Wasiiro cusub oo dhowaan uu magacaabay Madaxweynaha Puntland kuwaasi oo si rasmi ah xilkaasi loogu dhaariyay.

Wasiirada cusub oo uu dhaariyay Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Nuur Ciise Maxamed, ayaa kala ah Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxmaan Cali Axmed iyo Wasiirka Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Mudane Axmed Yuusuf Maxamed (Labayk).

Madaxweynaha ayaa Wasiirada cusub alle uga baryay in uu u fududeeyo, wuxuuna kula dardaarmay in ay sida ugu wanaagsan u gutaan waajibaadka loo igmaday.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post