450 Views

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Sri Lanka oo aqbalay in ay is-caslilaan

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha Sri Lanka oo aqbalay in ay is-caslilaan
____________________________________________________________________________

Isniin: July 11, 2022

Madaxweynaha dalka, Sri Lanka Gotabaya Rajapaksa  iyo ra’iisul wasaarahiisa ayaa aqbalay in xilka banneeyaan maalinta Arbacada, taasi oo soo afjareysa qalaalse iyo rabshado sababay in Bannaanbaxayaal carreysan ay gudaha u galaan Madaxtooyadda wadankaasi.

Madaxweyne Rajapaksa, oo 73 jir ah, ayaa dadka ku booriyay inay oggolaadaan in si nabad ah xukunka loogu wareejiyo, isaga oo qorsheynaya inuu kormeero Xafiiskiisa ka hor inta uusan Xilka ka degin.

Kadib is casilaadii madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha, afhayeenka baarlamaanka Mahinda Yapa Abeywardena ayaa la filayaa in uu si kumeel gaar ah ula wareego xilka madaxweynaha sida uu qabo dastuurka Sri Lanka.

Maanta oo Axad ah ayaa lagu wadaa in kulan ay isugu yimaadaan hogaamiyayaasha xisbiyada siyaasadda, si ay uga wada hadlaan soo dhisida dowlad Kumeel Gaar ah.

Dadka reer Sri Lank ayaa doonaya dowlad isbadel muuqda la timaada waxna ka badasha dhaqaale xumada dalkaasi ee sababtay in ay kordhaan qiimaha cunada iyo Shidaalka dalkaasi.

.

Office Nairobi  Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post