3744 Views

Qaraxyada inta eeysan dhicin waa lasii ogyahay in dadanse lalama wadaago!

Qaraxyada inta eeysan dhicin waa lasii ogyahay in dadanse lalama wadaago!
____________________________________________________________________________

HORDHAC/GOGOL-DHIG…………..

Allaah ayaa mahad oo idil iska leh. Nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Aqristoow, waxaa xaqiiq ah in qaraxyada inta eeysan dhicin, inbadani sii ogyihiin, balse aaneey dad eey muhiim tahay ineey gaarsiiyaan, aaneey lawadaagin. Qaar ka mid ah shaqaalaha dowlada (civil servants-ka) waxeey iisheegeen in mararka qaar inta aanu qaraxba dhicin, dadka qaar oo isla dowlada ushaqeeya, fariimo (Messages) loosoo diro, iyadoo loosheegayo xitaa meelaha lagusoo maqan yahay. Dadka fariimahaa loosoo dirayo iyagoon cidkale usheegin ayey goobihii si tartiib ah ufiraaqeeyaan, ama umaba soo shaqo tagaan wasaaradii ama xaruntii eey joogeen, waa hadii goor hore ay helaan fariinta’e. Dadkaa qaar waxeey “Si aan dambi-iskuqiris aheyd” ugu doodaan, in hadhoow iyaga laqabsanayo, oo qaraxyada ayaad wax ka ogtihiin, ama wax ka abaabushaanba ladhahayo, hadii eey siisheegaan. Waxaad isweeydiisaa, waxa eey ku muteeysteen, in fariimaha nuucaa ah loosoodiro!

Sirdoonka caalamiga ah nuucyadiisa kala duwan ee Xarunta Xalane buux-dhaafiyey, kuwaasoo kawada madax-bannaan dowladnimada Soomaaliya, iyo mas’uuliyiinta qaar ee hey’adaha Qaramada Midoobay (UN), ayaa marka baabuur qaraxyo lagasoo buuxiyey magaalada kujiraan, waxeey fariimo udiraan shaqaalahooda, iyo dadka siyaabaha kaladuwan ulashaqeeya (Jawaasiistooda), iyagoo usheegaya in magaalada baabuur qaraxyo sida kujirto, waliba ugusii dara in goob heblaayo, iyo goob heblaayo macquul tahay in lagalo. Dadkaa fariimaha loosoo dirayo xarumaha amniga magaarsiiyaan intooda ugu badan, kuwaa fariimaha asalkooda soodirayana hey’adaha ammaanka kalama shaqeeyaan waxa eey ogyihiin, maxaayeelay dantoodabaa sidaa kujirta. Malaayiinta doollar ee lagucuno magaca Soomaaliya (The Somalia project), weeysoo afjarmayaan hadii eey Soomaaliya xasisho, dalkoo dhanna uu dowlad Soomaaliyeed gacanta uwada galo, sidaa daraadeed, iska daa in dowlada lagu caawiyo qarax kahortagiisa’e, waxaaba lagayaabaa in waxkastoo xaalada Soomaaliya ay hadda kujirto, loogusii heynkaro lasameeyo, iyadoo afka-baarkiisana laga dhahayo Soomaaliya ayaan caawinnaa, oo dhaqaalaha intaa la eg ayaan sanad kasta kubixinaa.

Waxaa hadda kahor dhacday markii Al-Shabaab galayeen Villa Soomaaliya, in dadkii kudhintay uu ka mid ahaa Diblumaasi Jabuutiyaan ah, kadibna Mobile-kiisa lagahelay fariin dhaheeysa, “5-Daqiiqo gudaheed uga bax Villa Soomaaliya!”. Sida caadadaba inoo ah, baaritaankaa wixii lagu ogaaday, ummada loomasoo bandhigin. Malaha caddaanka marka qaraxyada dhacaan baara, ee xalane kayimaada, ayaan iyagana waxba kalawadaagin, wixii eey ogaadeen.

qaraxyada-1

Waxaa sidoo kale jirtay, in habeen habeenada ka mid ah “Wiil” fariin loosoodiray. Fariintu waxeey laheyd sidan: “Halkeed joogtaa hebeloow?”. Wuxuu kujawaabay “Hotel hebel”. Waxaa lagu yiri: “Oo Hotel hebel soow qarax kama dhicin?”. Wuxuu ugu jawaabay, “Maya!”. Dhowr daqiiqo kabacdina hotel-kii oo dhanbaa qarax lagariiray, xabadina jiho kasta isqabsatay.

Fariimahaa waxaa la iixaqiijiyey ineey xitaa soogaraan rag agaasimayaal guud ka ah wasaaradaha dowlada, kuwaasoo gaarigooda iyo istaafkooda uyeerta, wasaaradahana isaga baxa, dadkana hotelada ku qaabila, iyagoon shaqaalaha kalee wasaarada waxba uga sheegin.

Dhanka kale waxaad lawada socotaan in 7-dii bishii Juun ee 2016-ka ay ciidamada dowladda Soomaaliya gacanta ku dhigeen shan sargaal oo ka tirsan Ciidamada Amisom iyo toban ruux oo Soomaali ah oo agab military kala gadanaya. Horay waxaa u jiray eedeeymo dhowr jeer loo jeediyey ciidamada Afrika ee Soomaaliya jooga, oo ah in ay iibsadaan sahayda ciidanee lasiiyo, balse markaa ayaa si dhab ah loogu qabtay iyaga oo fal xatooya ah ku jira, waxaase yaab lahaa in isla funaanadihii ciidamadaa Amisom xirnaayeen markaa laqabanayey, eey iyana xirnaayeen ciidamadii Al-Shabaab looga qabtay dagaalladii kadhacay Puntland dhamaadkii bishii Maarso ee 2016-ka.

Waxaaba taa kasiidarnaa wargeyska afka dheer ee The East African ayaa bishii November 2017-kii wuxuu qoray inuu jiro xiriir Ganacsi oo ka dhaxeeya Al-shabaab iyo Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta ujooga dalka Soomaaliya.

qaraxyada-2

Aqristoow waxaan taariikhdu markii eey aheyd 5-tii bishii Maajo ee 2014-ka qoray qormo aad uga agdhaweyd tan aan hadda qalinka uqaatay ee ciwaankaa kore leh. Qormadaa aan halkan kulifaaqay cinwaankeedu wuxuu ahaa:Yaa ka dambeeya falalka amni-darro ee ka dhaca Muqdisho?  Qormadaa waxyaabihii aan uga hadlay waxaa ka mid ahaa: kala dilashada boosaska shaqo iyo mashaariicda waaweyn. Ciidamada shisheeye oo falalka amni-darro sii huriya, si eey waligood ujoogaan dalka, dhaqaalaha eey kasameeyan darteed. Calooshood-u-shaqeeystayaasha dalka jooga. Qaraxii hotel Jazeera. Askartii (2000) la ruqseeyey iyo duqeyntii xigtey ee magaalada Xamar kadhacday, iyo ugu dambeyn weerarkii Villa-Soomaaliya ee larabay in lagu khaarijiyo madaxda dalka ugu sareeysa. Nasiibdarro! Hadaad qormadaa dib-u-aqriso, waxaad moodaa in maantadan la qoray.

GABAGABO IYO GUNAANAD

Waxa Caasimada kasocda, wax cidkasta fahmikarto maaha. Al-Shabaana waa kaar lagu qaraabto, waxkastoo Xamar kadhacana Al-Shabaab mawada fuliso, ama ugu yaraan kaligeed mawadafuliso, laakiin weey wada sheegataa. Taliyihii horee NISA Gen. Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare wuxuu hore u yiri: “Beledkaan UGUS/Al-Shaab oo kaliya wax kuma dilaan kumana qarxiyaan!”

qaraxyada-4

.

.

cabdiboqorQoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Maamulihii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA.

_________________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment