558 Views

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada rayidka oo ka digay khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada rayidka oo ka digay  khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble
____________________________________________________________________________


Arbaco: September 8, 2021

Guddoomiyaha Ururrada Bulshada rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax oo la hadlay VOA ayaa ka digay in khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu saameeyo Doorashooyinka & Xasiloonida Dalka.

Shaatax waxa uu soo jeediyay in kala saaro oo aan la isku milin kiiska cadaalad u raadinta Ikraan Tahliil Faarax & awoodda sharci ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo u baahan in si xasiloon dib loogu laabto Dastuurka KMG ah ee Dalka oo si cad u qeexaya.

“Marka hore waa in la kala saaraa arrinta Ikraan Tahliil oo u baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo si ay u qancaan waalidkeeda & Awoodaha dhinaca sharciga oo ay isku hayaan Madaxda Qaranka oo aan ka maarmin muujinta mas’uuliyad” ayuu yiri Cismaan Shaatax.

Bulshada Rayidka ayaa bogaadisay dedaallada socda ee la xiriira qabsoomidda Doorashooyinka Dalka balse waxa ay ka digtay wax weliba oo baajin kara ama dib u dhigi kara qorshaha lagu dhammeystirayo sida ku xusan heshiisyadii laga gaaray doorashada Soomaaliya.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa haatan gaaray meel xasaasi ah, Xukuumadda & Madaxtooyada ayaa isugu jawaabaya iyada oo dhinac weliba uu is xijinayo Dastuurka KMG ah ee Dalka.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post