705 Views

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Burcad dhac geysatay

Jubbaland oo gacanta ku dhigtay Burcad dhac geysatay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  September 07 2020—Maalmihii la soo dhaafay Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa kusoo kordhay falal amni darro, iyada oo xilliyada habeenkii Kooxo hubeysan ay dadka dhac u geysanayaan.

Taliska Booliska Kismayao ayaa sheegay in dad farabadan oo Shacab ah laga dhacay taleefoonadooda,isla markaana Ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen Kooxo Burcad ah oo dhac geysanayay.

Taliyaha Booliska Magaalada Kismaayo Gaashaanle Warsame Axmed Geelle ayaa sheegay in ay sameeyeen howlgallo looga hortagayay Kooxaha Burcadda ah ee hubeysan,isla markaana tira kamid ah ay gacanta ku dhigeen.

Waxaa uu sheegay Taliyaha in sidoo kale ay ku daba jiraan Kooxo hburcad ah oo habeen ka hor qof Shacab ah ku dhaawacay Gudaha Magaalada Kismaayo xilli ay ka dhacayeen taleefon.

Ugu dambeyn Shacabka ku nool Magaalada Kismaayo ayuu ugu baaqay inay laamaha Ammaanka la Shaeeyaan si loo sugo Amniga Magaalada oo maalmahaan cabasho uga imaaneysay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  ______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post