951 Views

Xaalka Maraykanka iyo Ruushka oo meel xun maraya.

Xaalka  Maraykanka iyo Ruushka oo meel xun maraya.
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Safiirka Mareykanka u fadhiya Moscow ayaa dib ugu soo laabanaya Washington si uu la tashi ula yeesho madaxdiisa, ka dib markii mowjado diblumaasiyadeed ay dhex mareen Ruushka iyo Mareykanka.

Ambassador, John Sullivan, ayaa looga yeeray Kremlin-ka isbuucii la soo dhaafay halkaas oo ‘lagula taliyay’ inuu ku laabto dalkiisa.

Hadal uu maanta soo saaray, wuxuu ku sheegay inuu ku laaban doono Mareykanka si uu u arko qoyskiisa oo uuna ula kulmo asxaabntiisa shaqo.

Safiirka Ruushka u fadhiya Maraykanka John Sulivan ayaa sheegay in talaabadan ay ahayd mid isaga u gaar ah oo uu doonayo in uu kula kulmo saraakisha maamulka cusub ee Maraykanka si ay uga wada hadlaan xiriirka ay la leeyihiin Ruushka.

Xiriirka labada dal ayaa maraya meshi ugu xumeyd kadib markii Maraykanka uu cunaqabatyno cusub kusoo rogay Ruushka Toddobaadkii lasoo dhafay isla markaana eryay tobban diblomaasi.

Ruushka ayaa bixiyay jawaab taa la mid ah oo Danjire Sullivan waxa uu wacad ku maray in toddobaadyada soo socda uu dib ugu soo laabanayo Moscow ka hor inta shirka muhiimka ee dhexmaraya madaxweyne Biden iyo dhigiisa Ruushka ee Putin inkastoo la sheegayo in xiriirka labada dal uu yahay mid aad u xun.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post