2379 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in loo diiday ka qeyb-galka shirarka doorashada

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo sheegay in loo diiday ka qeyb-galka shirarka doorashada
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 24da Maarso, 2021-Weli waxaa Muqdisho ka taagan ismari-waaga ku aaddan doorashada xilligeedii ka dib dhacday. Shir uu ku baaqay madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana la filayay in shalay lagu saxiixo heshiiska doorashada ayaan sidii la filayay u dhicin.

Dhanka kale, waxaa taagan baaqyada ka soo baxay Beesha Caalamka, oo Midowga Yurub oo u dambeeyay ayaa madaxda Soomaalida ugu baaqay inay degdeg xal uga gaaraan arimaha ku gedaaman doorashada.

Madasha Badbaado Qaran oo ay sameysteen siyaasiyiin mucaaradsan Farmaajo ayaa shalay galab ku dhawaaqay shir maalmo u socon doona.

Guddoomiyaha Madasha Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee ay u aasaaseen madasha ay tahay inay dadka ku badbaadiyaan.

BBC-da oo weydiisay gudoomiye Cabdi Xaashi waxa uu yahay xalka ay doonayaan inay dalka ku badbaadiyaan ayaa yiri ” waxaan rabnaa in Soomaaliya oo dhan heshiis la gaaro oo la isku yimaado, dhibaato iyo dagaal aniga xal uma arko.”

Cabdi Xaashi oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dalka uu dhib ku jiro oo la isku heysto sidii loo qaban lahaa doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post