471 Views

Faransiiska oo loo haysta niyukliyeer uu ku tijaabiyay dal ka tirsan Afrika

Faransiiska oo loo haysta niyukliyeer uu ku tijaabiyay dal ka tirsan Afrika
____________________________________________________________________________

Talaado: February 15, 2022

Hey’ad u doodda xuquuqul insaanka, ayaa isku diyaarineysa iney Faransiiska u gudbiso maxkamadda dambiyada caalamiga, si ay magdhaw uga siiso dhibanayaasha tijaabooyinkii Nukliyeerka ee lagu sameeyey dalka Algeria sanadihii 1960-kii.

Ololaha caalamiga ah ee baabi’inta hubka Niyukliyeerka (ICAN) Algeria, ayaa waxey sheegeysaa in dad badan ay soo gaareen halista cudurka Kansarka, iyo sidoo kale dhibaato hide side, kadib lixdan sano oo qaraxan niyukliyeerka la sameeyey.

Dowladda Faransiiska ayaa ku guul dareysatey iney ka jawaabto dalabaad soo noqnoqda, ee ku aadan in dadka ay dhibaatadu saameysay la siiyo maghaw, ayuu yiri ururka.

Madaxweynaha Algeria, Cabdulmajiid Tebbuuni, ayaa taageerey dalabyada magdhawga lagu baadi goobayo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post